Hordhac: Crystal Palace Vs Chelsea: Potter Oo Blues Hogaamin Doona Kulankiisii Ugu Horeeyay Ee Premier League.

Kooxda Chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Crystal palace kulan ka tirsan todobaadkii 9-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona Selhurst Park Staduim.

Tababare Graham Potter ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka premier League hogaamin doona kadib markii uu shaqada kala wareegay Thomas Tuchel Waxana uu isha ku hayaa guushiisii ugu horeeyay.

Dhinaca kale Crystal Palace ayaa doonaysa in ay qasto bilowga Potter isla markaas garaacdo Blues kulanka ka dhici doona garoonkooda Selhurst Park Staduim.

Kulanka: Crystal Palace Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Selhurst Park Staduim.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tan ilaa guushii 2/1 ahayd ee ay Crystal Palace ka gaadhay chelsea, Crystal Palace ayaa laga badiyay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka La ciyaartay Chelsea kaliya Liverpool oo ay 10 guuldaro kala kulantay ayaa ka badan taariikhda Eagles.

Chelsea ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay premier League ay la ciyaartay Crystal palace, Kaliya Portsmouth (10), Sunderland (11) iyo West Ham (11) ayay Blues ka gaadhay guulo kabadan paalce.

22-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League u dhexeeyay kooxaha Crystal Palace iyo chelsea ayaan ku dhamaan bar-baro iyada oo Blues badisay 18 ka mid ah halka ay Palace badisay 4 ka mid ah.

Chelsea ayaa badisay 8 ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ee ay martida ahayd premier League kulamada London Derbies marka laga reebo guuldaradii 3/2 ahayd ee ay kala kulantay West Ham xilli ciyaareedkii hore.