Hordhac: Crystal Palace Vs Arsenal: Xilli Ciyaareedka Cusub Ee Premier League Oo Bilaabanaya & Gunners Oo Tijaabo Maraysa.

Waxa bilaabanaya xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League waxana lagu furayaa kulanka ay Arsenal marti u noqon doonto kooxda Crystal Palace kula ka dhici doona garoonka Selhurst Park.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyada oo si fiican ugu diyaar garawday xilli ciyaareedka cusub isla markaas doonaya in ay guul ku bilowdaan horyaalka premier League.

Dhanka kale Crystal Palace oo Arsenal garaacday kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ku kulmeen premier League ayaa doonaysa in ay Arsenal mar kale garaacdo.

Kulanka: Crystal Palace Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Selhurst Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Crystal Palace ayaa laga badiyay kaliya hal kuan oo ka mid ah 8-dii kulan ee ay la ciyaartay Arsenal Premier League (2 guul iyo 5 bar-baro) iyada oo Palace raadinayso guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah oo ay ka gaadho Arsenal kadib markii ay 3/0 ku garaacday bishii April.

Xilli ciyaareedkan ayaa ah midkii 3-aad oo xidhiidh ah oo ay Arsenal premier League kulanka ugu horeeya la ciyaarto koox reer London ah iyaga oo 3/0 uga badiyay Fulham xilli ciyaareedkii 2020/2021 halka ay guuldaro 2/0 ah kala kulmeen Brentford xilli ciyaareedkii hore.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 5-aad ee taariikhda horyaalka Premier League bilowda habeen jimce ah iyada oo kooxda martida loo yahay badisay dhamaan kulamadii hore.

Kooxda Arsenal ayaa laga badiyay kulankeeda ugu horeeya ee bilowga premier League 5 ka mid ah 9-kii xili ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*