Hordhac: Chelsea Vs Zenit: Blues Oo Bilaabanaysa Difaacashada Champions League

Kooxda chelsea ayaa bilaabanaysa difaacashada champions League oo ay la ciyaari doonto kooxda reer Russia ee Zenit kulankoodii ugu horeeyay ee tartanka champions league xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa Zenit ku soo dhawayn doonta Stamford Bridge waxana ay doonayaan in ay guul ku bilowdaan difacashada champions League kulankaan.

Dhanka kale Zenit ayaa doonaysa in ay ka yaabsato adduunka waliba garaacdo kooxda difaacanaysa champions League ee chelsea kulanka ka dhici doona Stamford.

Kulanka: Chelsea Vs Zenit

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka Stamford Bridge:

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee tartamada yurub dhexmara kooxaha chelsea iyo Zenit xilli ayna Blues guuldaro la kulmin 6-dii kulan ee hore ee ay la ciyaartay kooxaha reer Russia.

Zenit ayaa dhankooda badisay kulankoodii ugu hoeeyay ee kooxaha reer England tartamada yurub iyaga oo 3/0 uga badiyay kooxda Branford city si kasta ha ahaatee waxa laga badiyay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay England iyaga oo guuldaro kala kulmay kulankii ugu dambeeyay Liverpool europa League.

Chelsea ayaan guuldaro la kulmin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay wareega Group-yada champions league iyada guuldaradii ugu dambaysay ee soo gaadha ahayd bishii September 2019 markaas oo ay guuldaro kala kulmeen Valencia.

Taariikhda champions League, kooxda difaacanasa champions league ayaa kaliya laga badiyay 2 ka mid ah 27 xilli ciyaareed kooxaha laga badiyay ayaa kala ah Ac Milan iyo Liverpool.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*