Hordhac: Chelsea Vs Real Madrid: Xaqiiqooyinka Cajiibka Ah Ee Aad Uga Baahantahay Kulanka.

Kooxda chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Real Madrid kulan ka tirsan lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka champions League kulan ka dhici doona Stamford Bridge.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya sidii ay u gaadhi lahaayeen Final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyaga oo isku fursad haysta maadama ayna kooxna badin kulankuu lugtii hore.

Chelsea ayaa u baahan in ay kaliya shabaqeeda ilaashato hadii ay doonayso in ay iska xaadiriso final-ka waliba la kulanto kooxda Man City ee haatanba iska xaadirisay Final-ka.

Dhanka kale Real Madrid ayaa ku qasboon in ay dhaliso gool hadii ay doonayso in ay hesho fursad maadama garoonkeeda looga soo dhaliyay gool marti ah kulankii hore.

Kulanka: Chelsea Vs Real Madrid

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa wajihi doonta Real Madrid markii shanaad tartamada Yurub waana guuldarro la’aan afartii kulan ee ugu dambeysay, ani waxay noqon doontaa markii ugu horeysay shantii kulan ee ay Chelsea martigelisay kooxda reer Spain.

Chelsea ayaa u gudubtay wareega xiga shan ka mid ah toddobadii jeer ee ugu dambeysay ee ay guuldaro ka fogaatay kulanka hore ee martida champions League, si kasta ha ahaa laba ka mid ah ka reebistii laga reebay tartanka Waxa uu yimid xilli ciyaareedkii 2013/2014 markii ay guul daro kala kulmeen Atletico Madrid lugtii 2-aad inkasta oo ay guul gaadheen lugtii hore.

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa isha ku haya inuu xaqiijiyo u soo bixitaankiisii ​​afaraad afartii kulan ee semi-finalka Champions League, taasoo u dhigma doonta rikoorka inta ugu badan ee semi-finalka uu gaaro tababare taariikhda tartanka isaga oo bar-barayn doona tababarayaasha Sir Alex Ferguson, Carlo Ancelotti iyo Marcello Lippi.

Real Madrid ayaa iska xaadirin karta Final-kii 17-aad ee European Cup / Champions League Iyaga oo haatanba ah kooxda ugu badan ee Final-ka gaadhay tartanka xilli uu Zidane isha ku hayo ku guulaysiga tartanka markii 4-aad intii uu tababaraha u ahaa kooxda.

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa kaliya laga badiyay afar ka mid ah 18 kulan oo uu ku ciyaaray gurigiisa isagoo tababare ah Champions League iyadoo kooxihiisa ay dhaliyeen 48 gool kulamadaas.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*