Hordhac: Chelsea vs Manchester City: Xogta & Xaqiiqooyinka Kulanka Adag Ee Ka Dhici Doona Stamford Bridge.

Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan premier League ayaa dhexmari doona kooxaha chelsea iyo Man City kulan ka tirsan todobaadkii 17-aad.

Kooxda Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo helay qaab ciyaareedkooda fiican kulamadii ugu dambeeyay waliba gaadhay guulo xidhiidh ah.

Dhanka kale chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed xun oo aan wax guul ah gaadhin kulamadii ugu dambeeyay premier League.

Kulanka: Chelsea Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

10-kii kulan ee ugu dambeeyay premier League ee dhexmara kooxaha Chelsea iyo Man City ayaan ku dhamaan bar-baro iyada oo kooxda martida loo yahay badisay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Chelsea ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Man City, markii ugu dambeysay ee ay wax ka badan kulan oo xidhiidh ah Stamford Bridge kaga badiso ayaa ahayd intii u dhexaysay 2006 iyo 2007 markaas oo ay 4 kulan oo xidhiidh ah ku garaaceen.

Man City ayaa kaliya ku guuldareysatay inay shabaqa soo taabato mid ka mid ah 12kii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Chelsea kulankaas oo dhacay December 2018 halka ay iyagu chesea shabaqooda ka ilaashadeen 5 kulan.

Kevin De Bruyne ayaa goolal minin iyo marti ah ka dhaliyay chelsea xilli ciyaareedkii hore xiddigii ugu dambeeyay ee Man City ah ee ee shabaqa soo taabtay seddex kulan oo xidhiidh ah premier League isaga oo ka hor tagay chelsea ayaa ahaa Carlos Tevez intii u dhaxeysay 2009 iyo 2010.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*