Hordhac: Chelsea Vs Man City: Labada Kooxood Oo Ku Dagaalamaya Booskooda Final-ka FA Cup-ka.

Kooxda Chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Man City kulan adag oo ka tirsan Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan kulan ka dhici doona garoonka Wembley Staduim.

Kooxda Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay sii wadaan tartanka FA Cup-ka oo ay gaadheen final-kiisii xilli ciyaareedkii hore ee la soo dhaafay.

Dhanka Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo wali doonaya in ay sii wadaan u dagaalanka koob kasta oo ka mid ah koobabka ay u tartamayaan xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Chelsea Vs Man City

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Wembley Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa laga badiyay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambaysay ee ay FA Cup-ka kaga hor tagtay Man City iyada oo uu ugu dambeeyay guuldaradii 2/1 ahayd wareegan o kale sanadkii 2013, laakiin waxa ay badiyeen kulankoodii ugu dambeeyay iyaa oo ku badiyay 5/1 bishii February 2016.

Man City ayaa badisay 6 ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen chelsea tartamada oo dhan iyaga oo 3/1 ku garaacay Blues kulankii xilli ciyaareedkan ee Premeir League.

Man City ayaan guuldaro la kulmin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee sy Chelsea kula ciyaartay Wembley Stadium iyaga oo 2/1 ku garacay Semi-final-kii tartanka FA Cup-ka ee 2013 iyo 2/0 ay ku garaaceen kulankii Community Shield-ka 2018 halka ay rikoodhayaal kaga badiyeen League cup-ka 2019.

Chelsea ayaa isha ku haysa in ay gaadho Final-ka FA Cup-ka markii 15-aad ee taariikhdeeda kaliya kooxaha Arsenal (21) iyo Man United (20) ayaa kaga badan gaadhista tartanka ee Final-ka laakiin chelsea ayaa badisay 7 ka mid ah 8-dii Semi-final ee ugu dambeeyay iyada oo kali kulankii Man City ee 2013.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Wado Fudud Oo Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Kartid Gacaliyahaaga, Hadii Aad Samaysid Adiga Ayaa Abid Iska Leh Qalbigiisa, Meelna Kaagama Socdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*