Hordhac: Chelsea Vs Liverpool: Blues & Reds Oo Isaga Hor Iman Doona Final-ka Koobka Ugu Da’da Weyn Kubada Cagta.

Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa isaga hor iman doona final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan kulan ka dhici doona garoonka Wembley.

Chelsea oo gaadhay final-kii 3-aad oo xidhiidh ah laakiin laba badiyay labadii final ee hore ayaa isha ku haysa in ay qaado midka 3-aad marka ay la ciyaari doonaan Liverpool.

Dhanka kale Liverpool oo aan Koobka FA Cup-ka ku guulaysan tan ilaa 2006-kii ayaa isha ku haysa in ay ka baxaan abaarta koobka FA Cup-ka kuna gulaystaan koobka xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Chelsea Vs Liverpool

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 6:45

Garoonka: Wembley

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Markii 2-aad ee taariikhda ayay laba kooxood ku kulmeen Final-ka League cup-ka iyo FA Cup-ka xilli ciyaareed kaliya kadib markii ay Arsenal iyo Sheffield Wednesday sanadkii 1992/1993 markaas oo ay Arsenal ku guulaystay labada final.

Kadib markii ay ku guulaystay League cup-ka, Liverpool ayaa isha ku haysa in ay labada koob ee England ku guulaystay markii ugu horaysay tan ilaa 2000/2001, Xilli kooxdii ugu dambaysay ee laga badiyay labada final ee League cup-ka iyo FA Cup-ka ahayd Middlesbrough 1996/1997.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 4-aad ee ay kulmaan kooxaha Liverpool iyo chelsea iyada oo dhamaan kulamadii hore ku dhamaadeen bar-baro iyada oo uu ku jiro kulankii ay Liverpool rikoodhayaasha ku badisay, kulankii ugu dambeeyay ee ay kulmaan laba kooxood oo Premier league ah oo ku dhamaaday bar-baro waxa uu ahaa Arsenal Vs Chelsea oo ay 4 kulan bar-bareeyeen xilli ciyaareedkii 2017/2018.

Liverpool iyo Chelsea ayaa horay hal mar ugu kulmay final-ka FA Cup-ka iyaga oo isaga hor yimid Sanadkii 2012 markaas oo ay chelsea ku badisay 2/1, iyada oo chelsea ciyaari doonto Final-kii 16-aad ee FA Cup-ka xilli ay Liverpool ciyaari doonto Final-kii 15-aad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*