Hordhac: Celta Vigo Vs Real Madrid: Los Blancos Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Kooxda Ay Martida U Tahay.

Kooxda Real Madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda Celta Vigo Kulan ka tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garonka Balaidos.

Kooxdda Real Madrid ayaa Kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay gaadhaan guul ka caawisa in ay ku sii jirto tartanka loogu jiro horyaalka La Liga.

Dhanka kale kooxda Celtva Vigo ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira kaalinta 10-aad waliba boos fiican kaag jira horyaalka xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Celta Vigo Vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 6:15

Garoonka: Balaidos.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Celta Vigo ayaan guul gaadhin 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka ay la ciyaartay kooxda Real Madrid, guushii ugu dambaysay ee ay Real Madrid ka gaadhay ayaa ahayd guushii 2/0 ahayd ee ay ka gaadhay Sanadkii 2014.

Kooxda Real Madrid ayaan guuldaro la kulmin 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ay booqdeen kooxda Celta Vigo iyaga oo waliba dhaliyay ugu yaraan 3 gool 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Kooxda Celta Vigo ayaan dhankooda la kulmin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ay ku ciyaartay garoonkeeda waana rikoodhkii ugu dheeraa ee kulamadooda.

Real Madrid ayaan dhankeeda guuldaro la kulmin 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee La Liga ee ay martida ahaayeen, markii ugu dambaysay ee ay kulamo intaas ka badan ayna guuldaro la kulmin ayaa ahayd 2016 markaas oo aan 10 kulan laga badin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*