Hordhac: Brighton Vs Arsenal: Gunners Oo Doonaysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh Ay Liverpool & Chelsea Ku Dhigeen.

Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Brighton kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Amex Stadium.

Kooxda Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul gaadhay kulankii ugu horeeyay ee premier Leageu kadib 8 kulan oo ay guul la’aan ahaayeen.

Kooxda Mikel Arteta ayaa doonaysa in ay guushii ay ka gaadheen chelsea ku dhisaan qaab ciyaareedkooda siina wadaan guulaha xidhiidhka ah.

Dhanka kale Brighton ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo bar-baro la galay kooxda West Ham kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.

Kulanka: Brighton Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 9:00

Garoonka: Amex Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Brighton ayaa hiigsaneysa seddex guul oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay ka gaaraan Arsenal markii ugu horeysay.

Arsenal ayaa raadineysa in ay gaadho laba kulan oo xidhiidh ah premier League tan ilaa labadii kulan ee ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Guusha kale ee kaliya ee ay Brighton sanadka 2020 ku gaadhay garoonkeeda ku gaadhay premier League ayaa ah mid ay ka gaadhay Arsenal.

Arsenal ayaa isha ku haysa in ay guuldaro ka fogaato guuldaradii 3-aad ee soo gaadha kulankeeda ugu dambeeya sanadka kadib markii ay guuldarooyin kala kulmeen Chelsea iyo Liverpool sanadihii 2018 iyo 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*