Hordhac: Chelsea Vs Crystal Palace: Blues Oo Raadinaysa Guusheedii 2-aad Ee Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda chelsea ayaa garoonka Stamford Bridge ku marti galin doonta kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan todobaadkii 4-aad ee horyaalka premier League.

Chelsea ayaa raadineysa guusheedii ugu horreysay tan ilaa kulankii ugu horeeyay ee horyaalka premier League iyaga oo guuldaro kala kulmay Liverpool ka hor inta ayna bar-baro la galin kooxda West Brom.

Dhanka kale Crystal Palace ayaa noqon karta kooxdii labaad ee ku badisa Stamford Bridge iyo Old Trafford laba kulan oo xidhiidh ah oo premier League ah tan ilaa Sunderland oo sidaas samaysay sanadkii 2014.

Kulanka: Chelsea Vs Crystal Palace

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa xaqiijin karta guushii lixaad oo xiriir ah oo ay ka gaarto Palace markii ugu horeysay.

Blues ayaa heysata Cel-celiska ugu fiican ee koox kasta oo ka tirsan Premier League kulamada London Derbie iyagoo badiyay 132 ka mid ah 256 kulan oo caynkaas ah, ama boqolkiiba 51.6.

Palace ayaa dooneysa inay guuleysato labadii kulan ee furitaanka Premier League ee ay marti ahaayeen xilli ciyaareedka markii seddexaad oo kaliya.

Wilfried Zaha ayaa ku lug yeeshay lix gool 12-kii kulan ee Premier League ee uu wajahay Chelsea, seddex gool iyo seddex caawin waana rikoodhka ugu fiican ee uu ku leeyahay koox ka soo hor jeeda premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*