Hordhac: Barcelona Vs Rayo Vallecano: Blaugrana Oo Bilaabanaysa Xilli Ciyaareedkeeda La Liga

Kooxda Barcelona ayaa bilaaban doonta xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga iyaga oo marti galin doonta kooxda Rayo Vallecano.

Xavi oo dib u dhis weyn ku sameeyay kooxdiisa ayaa doonaya in uu guul ku bilowdo xilli ciyaareedka cusub xilli uu doonayo in uu ka fogaado in ay kooxdiisu si xun ku bilaabato.

Dhinaca kale kooxda Rayo Vallecano ayaa doonaysa in ay garaacdo Barcelona isla markaas ka yaabsato adduunka dhulkana dhigto kooxda reer Catalan.

Kulanka: Barcelona Vs Rayo Vallecano

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Rayo Vallecano labadii kulan ee ugu dambeeyay ee La Liga iyaga oo aan xitaa wax gool ah ka dhalin, kaliya hal mar ayay taariikhdooda guuldaro kala kulmeen koox iyaga oo aan wax gool ah ka dhalin waxana ay ahayd Real Madrid sanadkii 1958.

Barcelona ayaa guuldaro la kulantay kulankii ugu dambeeyay ee ay Rayo Vallecano ku marti galisay garoonkeeda horyaalka La Liga kadib markii ay ka badisay 7-dii kulan ee kooxaha reer Madrid.

Barcelona ayaa badisay kulanka ugu horeeya 12 ka mid ah 13-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay xilli ayna Rayo Vallecano badin mid kasta oo ka mid ah kulankooda ugu horeeya 4-tii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Barcelona ayaa bilaa guul ah labadii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga iyaga oo waliba ku fashilmay in ay wax gool ah dhaliyaan, laakiin waligood 3 kulan kuma fashilmin in ay badiso isla markaas gool dhalin waydo tan ila October 2003.