Hordhac: Barcelona Vs Almeria: Barca Oo Macasalaamaynaysa Pique.

Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Almeria kulan ka tirsan horyaalka La liga kana dhici doona garoonak Camp Nou.

Barcelona ayaa doonaysa in ay ka soo kabsato ka hadhista champions League waxana ay doonayaan in ay garaacaan kooxda ku soo laabatay horyaalka.

Dhinaca kale Barcelona ayaa macasalaamayn doonta Halyeyga kooxda ee Gerard Pique kaas oo kulankiisii ugu dambeeyay u ciyaari doona kooxda Barcelona.

Kulanka: Barcelona Vs Almeria

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxaha La Liga ee haatan, Barcelona ayaa ciyaartay kulamada ugu badan iyaga oo aan guuldaro kala kulmin kooxda Almeria sidoo kale waxa ay ka dhaliyeen ugu yaraan hal gool 12-kii kauln ee ugu dambeeyay.

Garoonkeeda, Barcelona ayaa badisay 6-dii kulan ee ay marti galisay Almeria horyaalka La Liga iyaga oo 3-dii kulan ee ugu dambeeyay dhaliyay ugu yaraan 3 gool iyo wax ka badan.

Barcelona ayaa badisay 10 ka mid ah 12-kii kulan ee ay ilaa haatan ciyaartay xilli ciyaareedka waxana laga dhaliyay kaliya 4 gool iyaga oo helay goolashii ugu yaraa ee laga dhaliyay wakhtigan oo kale xilli ciyaareedka.

Almeria ayaa badisay 3 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee La Liga laakiin guulahaas ayaa dhamaantood ka yimid garoonkooda, markii ugu dambaysay ee ay guul ka gaadheen meel ka baxsan garoonkooda ayaa ahayd bishii February 2015.