Hordhac: Atletico Madrid Vs Barcelona: Blaugrana Oo Rikoodh Ka Dhigi Karta Garoonka Atletico.

Kulanka ugu xiisaha Badan horyaalka La Liga todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona kulan ka dhici doona garoonka Estadio Wanda Metropolitano kulan ka tirsan todobaadkii 10-aad ee horyaalka La Liga.

Koxoda Atletico madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira kaalinta 3-aad waliba badiyay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ay ciyaareen horyaalka La Liga.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira kaalinta 8-aad waliba kaliya badiyay hal kulan 5-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

Kulanka: Atletico Madrid Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Estadio Wanda Metropolitano

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Atletico Madrid ayaa ku fashilantay in ay guu gaadho 20-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Barelona kaga hor tagtay horyaalka la Liga iyaga oo 6 bar-baro la galay 14 kalena guuldaro kala kulmay.

Barcelona ayaa noqon karta ooxdii ugu horaysay oo laba kulan Atletico Madrid kaga badisa garoonkeeda Estadio Wanda Metropolitano iyaga oo sidoo kale aan garoonkan guuldaro kala kulmin 3-dii kulan ee ay ilaa haatan ku ciyaareen.

Atletico Madrid ayaan guul ka gaadhin Barcelona 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku marti galisay garoonkeeda iyaga oo waliba kaliya hal gool ka dhaliyay kulamadaas.

Barcelona ayaa kaliya badisay hal kulan 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga kadib marki ay badiyeen 6 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay tartanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*