Hordhac: Athletico Bilbao Vs Barcelona: Saaxiibada Lionel Messi Oo Maraya Tijaabo Adag.

Kooxda Athletico Bilbao ayaa marti galin doonta kooxda Barcelona kulan ka tirsan todobaadkii 18-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonka San Mames.

Kooxda Athletico Bilbao ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay garacaan kooxda Barcelona sidii xilli ciyaareedkii oo ay garoonkooda ku garaacen.

Dhanka kale Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul dirqi ah gaadhay kulankii ugu dambeeyay kuna jira kaalinta 5-aad ee kala saraynta.

Kulanka: Athletico Bilbao Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: San Mames

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Athletico Bilbao ayaa guuldaro la kulantay kaliya hal kulan oo ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Barcelona iyaga oo 2 ka mid ah shabaqooda ka ilaashaday.

Athletico Bilbao Ayaan Barcelona kala kulmin labadii kulan ee ugu dambeeyay marka ay kula ciyaarayso garoonkeeda San Mames hal guul iyo hal bar-baro ayay kala kulantay.

Barcelona ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha ka dhisan Basque.

Athletico Bilbao ayaa badisay 5 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka La Liga ku ciyaartay garoonkeeda San Mames iyaga oo 4 ka mid ah shabaqooda ilaashaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*