Hordhac: Atalanta Vs Real Madrid: Labada Kooxood Oo Markii Ugu Horaysay Isku Arkaya Kulan Rasmi Ah.

Kooxda Real Madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda Atalanta kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League kana dhici doona garoonka Atleti Azzuri d’italia.

Kooxda Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ay dhaawacyo saameeyeen xiddigo badan oo muhiim ahna ka maqan yihiin kulanka.

Laakiin kooxda Zidane ayaa isha ku haysa in ay natiijo fiican kala baxaan kulanka ka hor kulanka lugta 2-aad ee tartanka.

kooxda Atalanta oo dhankeeda ku jirta qaab ciyaareed fiican ayaa kulanka soo galaysa in ay garaacaan Real Kana faa’iidaystaan xaalada Los Blancos.

Kulanka: Atalanta Vs Real Madrid

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Atleti Azzuri d’italia

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee tartan Rasmi ah ee dhexmara kooxaha Atalanta & Real Madrid, halka Kooxda reer Spain ee Kaliya ee ay Atalanta la ciyaartay tartanka champions League ahayd kooxda Valencia oo ay wareega 16-ka ku kulmeen xilli ciyaareedkii hore.

Real Madrid ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 5-tii kulan ee champions League ay marti u ahaayeen kooxaha reer Italy iyaga oo dhaliyay 12 gool lagana dhaliyay kaliya hal gool.

Real Madrid ayaa gaadhay wareega bug baxa tartamada champions League xilli ciyaareedkii 24-aad oo xidhiidh ah waana kooxda ugu badan ee rikoodhkas leh taariikhda tartanka.

Atalanta ayaa ah kooxda kaliya ee gaadhay wareega 16-ka champions League ee aan wali wax guul ah ku gaadhin garoonkeeda tartanka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*