Hordhac: Atalanta Vs Liverpool: Reds Oo Ku Dhibaatootay Italy Kulamadii Ugu Dambeeyay

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda mayalka adag ee Atalanta kulan ka tirsan todoabadkii 3-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Kooxda Liverpool ayaa kaliya u baahan guul ay ka gaadho Atalanta si ay u xaqiiqsato booskeeda wareega 16-ka ee tartanka ee champions League.

Dhanka kale kooxda Atalanta ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo 4 dhibcood haysta kadib hal guul iyo hal bar-baro oo ay galeen labadii kulan ee ay ciyaareen tartanka.

Kulanka: Atalanta Vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Gewiss Stadium

XAQIIQOOYINAK KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee Abid dhexmara kooxaha Atalanta iyo Liverpool tartan kasta.

Atalanta ayaa wajahaysa kooxdii 3-aad ee reer England ah kadib markii ay horay ula ciyaareen kooxaha Everton oo ay la kulantay Europa League xilli ciyaareedkii 2017/2018iyo Man City oo ay champions League la kulantay xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa huuldaro kala kulantay dhamaan kooxaha reer Italy ee ay booqdeen tartanka champions League intii uu Jurgen Klopp tababaraha u ahaa iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxaha Roma iyo Napoli oo 2 jeer ah.

Liverpool ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida ahaayeen wareega Group-yada champions League kadib markii ay 4 xidhiidh ah guuldaro la kulmeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*