Hordhac: Aston Villa Vs Arsenal: Gunners Oo Isha Ku Haysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh Ay Aston Villa Kala Kulantay 28 Sano Ka Hor.

Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Aston Villa kulan ka tirsan todobaadka 23-aad ee horyaalka Premier League kana dhici doona garoonka Villa Park.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan qaab ciyaareedkoodii fiicnaa ee kulamadii ugu dambeeyay ka hor guuldaradii ka soo gaadhay Wolves.

Dhanka kale Aston Villa ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira wakhti adag lagana badiyay kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka premier League iyada oo doonaysa in ay ku soo laabtaan wadada guulaha.

Kulanka: Aston Villa Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30

Garoonka: Villa Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins ayaa laba gool ka dhaliyay Arsenal kulankii ay Aston Viila 3/0 uga badisay Arsenal kulankii hore ee xilli ciyaareedkan kaliya Didier Drogba Ayaa Arsenal ugu yaraan 2 gool ka dhaliyay laba kulan oo xidhiidh ah Arsenal premier League.

Aston Villa ayaan laba kulan oo xidhiidh ah ka badin Arsenal Premier League tan ilaa 1992/1992 markaas oo ay 1/0 uga badiyeen labada kulan ee xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa isha ku haysa in ay ka fogaato in laga badiyo 3 kulan oo xidhiidh ah premier League kulamada ay la ciyaarto Aston Villa markii ugu horaysay 1993 markaas oo ay guuldaro la kulmeen 3-dii kulan ee ugu horaysya ee premier League.

Xiddiga Nicolas Pepe ayaa shabaqa soo taabtay mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay Arsenal martida ahayd xiddigii ugu dambeeyay ee gool u dhaliya Arsenal 4 kulan oo xidhiidh ah waxa uu ahaa Olivier Giroud intii u dhaxeysay September iyo November 2015.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*