Hordhac: Aston Vila Vs Man United: Red Devils Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Taariikhi Ah

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Aston Villa kulan ka tirsan todobaadkii 22-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Villa Park.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha premier League kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Wolves kulankii hore.

Dhanka kale kooxda Aston Villa ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ka aarsadaan kooxda Man United kuwaas oo ka reebay FA Cup-ka todobaadkan.

Kulanka: Aston Villa Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:30

Garoonka: Villa Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Manchester United ayaa badisay 299 kulan oo Premier League ah oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, waxayna noqon doontaa kooxdii ugu horaysay ee gaadha 300 oo guul.

Kooxda Aston Villa ayaa isha ku haysa in ay Markii ugu horaysya laba kulan oo xidhiidh ah ka badiso Man United kadib markii ay 1/0 kaga badisay kulankii hore ka dhacay Old Trafford.

Cristiano Ronaldo ayaa ku lug lahaa 11 gool sagaalkii kulan ee Premier League ee uu ka hor tagay Aston Villa (sideed gool, saddex caawiye). Waa goolashii ugu badnaa ee uu koox kaliya ku lahaa tartanka.

Markii uu ciyaartoyga ahaan, Steven Gerrard Ayaa badiyay 10 kulan oo premier League ah oo uu ka hor tagay Man United waana midka ugu badan ee guulahaas ka gaadha Red Devils

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*