Hordhac: Arsenal Vs Norwich City: Gunners Oo Doonaysa In Ay Sii Wado Guulaha

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Norwich City kulan ka tirsan todobaadkii 32-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Emirates Staduim.

Kooxda Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo kalsooni buuxa kadib markii ay laba kulan oo xidhiidh ag guul gaadheen tartamada oo dhan ishana ku haya in ay sii wadaan guulaha.

Dhanka kale kooxda Norwich City ayaa kulanka soo galaya iyaga oo qaab ciyaareed xun ku jira una dagaalamaya sidii ay u sii joogi lahaayeen horyaalka premier league xilli ciyaareedka dambe

Kulanka: Arsenal Vs Norwich City

Tartanka: Premier League

Advertisements

Wakhtiga: 8:00 Fiidnimo

Garoonka: Emirates Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa laga badiyay Kaliya Hal kulan oo ka mid ah sideedii kulan ee Premier League ee ay garoonkooda kula ciyaareen Norwich City, Guuldaradaas ayaana ahayd kulankii ugu horeeyay ee Premier League 15 bihsii August xilli ciyaareedkii 1992 markaas oo ay Norwich City guul soo laabasho leh oo 4/2 ah ka gaadhay Arsenal.

Norwich City ayaa kaliya hal kulan shabaqa ilaashatay 12kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la kulmaan Arsenal (31 gool ayaa laga dhaliyay) Iyada oo kulankaas ahaa guushoodii 1/0 ahayd ee ay gaashay bishii October 2012.

Kulankaan wuxuu noqon doonaa kulanka ugu horeeya ee Arsenal iyo Norwich ee tartan rasmi ah oo la ciyaaro bisha July.

Kooxda Arsenal ayaan guuldaro Kala kulmin 26-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ay la ciyaartay kooxaha soo dalacay iyada oo ay ugu dambaysay guuldaradii ka soo gaadhay kooxaha West Brom Iyo Newcastle xilli ciyaareedkii 2010/2011.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*