Hordhac: Arsenal Vs Newcastle: Gunners Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Newcastle.

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Newcastle United kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona Emirates.

Gunners ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii ay la gashay kooxda Crtstal Palace.

Dhanka kale Newcastle ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo raadinaya guul kadib markii ay ku fashilmeen in ay guul gaadhaan 5-tii kulan ee ugu dambaysay.

Kulanka: Arsenal Vs Newcastle

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Emirates Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Arsenal ayaa badisay 14 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxda Newcastle United.

Arsenal ayaa shabaqeeda ilaashatay 25 kulan oo Premier League ah oo ay ka hor tagtay Newcastle kaliya Man United ayaa kulamointaas ka badan shaabqeeda ka ilaashatay koox kaliya iyaga oo 27 jeer shabaqooda ka ilaashaday kooxaha Tottenham iyo Aston Villa.

Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda uu Andy Carroll ka dhaliyay goolasha ugu badan premier League isaga oo ka dhaliyay 5 gool isaga ayaana ahaa xiddigii Arsenal ka dhaliyay goolka guusii ugu dambaysay ee ay Newcastle ka gaadhay Arsenal isaga oo ka dhaliyay November 2010.

Newcastle ayaa badisay shan ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda kulamada Premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*