Hordhac: Arsenal vs Manchester City: Arteta Oo Shaqadiisa Waayi Kara Hadii Laga Badiyo Gunners

Maanta ayaa ku beegan hal sano iyo laba maalmood kaddib markii uu Arteta dhinaca Arsenal kaga biiray Man City, guuldarro uu kala kulmo kooxdiisii hore ayaa ka dhignaan karta in xukunkiisu uusan sii waari doonin.

WARARKA KULANKAN EE LABADA KOOXOOD

Pierre Emerick Aubameyang oo ahaa geesigii Arsenal kulankii afar dhammaadka FA Cup ee ay sanadkii hore ku dubteen Man City ayaa dhaawac ku maqnaanaya markale ciyaartan xilli uu kulankii Everton ee Sabtidii seegay.

Sidoo kale saxeexa cusub ee Arsenal ee Thomas Partey ayaa kulankan seegaya halka Granit Xhaka uu kulankii ugu dambeeyay ku seegayo casaankii tooska ahaa ee uu qaatay ciyaartii Burnley.

Daafaca dhexe ee Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa markale diyaar ah kaddib markii uu ganaax ku seegay kulankii Everton.

Markale weeraryahanka City ee Gabriel Jesus ayaa kulankan ku seegi kara xaalad ka haysata dhinaca ilkaha oo uu ku maqnaa kulankii Southampton halka Aymeric Laporte iyo Eric Garcia sidoo kale uu shaki ku jiro taam ahaanshahooda.

Raheem Sterling oo labadii kulan ee ugu dambeeyay ee uu Emirates booqday goolal soo dhaliyay ayaa markale rajaynaya inuu ciyaari doono, sidoo kale Sergio Aguero, Mendy, Fernandinho, Foden Mahrez iyo Ake ayaa dhammaantood filaya inay fursad helaan.

SHAXDA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD

Arsenal: Leno; Mustafi, Gabriel, Luiz; Bellerin, Ceballos, Elneny, Kolasinac; Willock, Lacazette, Saka

Manchester City: Steffen; Cancelo, Stones, Ake, Mendy; Fernandinho, Gundogan; Mahrez, Foden, Torres; Aguero

XOGTA KULANKA

Tartanka: Carabao Cup

Garoonka: Emirates Stadium

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*