
Kulanka Ugu Xiisaha Badan Premier League todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Man United kulan ka tirsan horyaaka premier League kana dhici doona Emirates Staduim.
Kooxda Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii lama filaanka ahaa ee ka soo gaadhay Sheffield United.
Dhanka kale Kooxda Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican kadib guulo xidhiidh ah oo ay gaadheen kulamadii ugu dambeeyay.
Kulanka Arsenal Vs Man United
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 8:30
Garoonka Emirates Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Tababare Mikel Arteta ayaa doonaya in uu noqdo kaliya tababarihii 4-aad ee Man United garaaca 3-diisii kulan ee ugu horeeyay Premier League ee uu ka hor tagay Man United kadib Carlo Ancelotti, Manuel Pellegrini & Garry Monk.
Bukayo Saka ayaa ku lug lahaa 7 gool oo Premier League ah 5 gool iyo 2 caawin waana da’yarka ugu fiican ee sidaas sameeyay kulamada premier League Arsenal tan ilaa Cesc Fabregas kaas oo ku lug lahaa 13 gool 2 gool iyo 11 caawin.
Hadii ay Man United badiso waxa ay guuldaro la’aan ahaan doontaa 18kulan oo premier League ay marti ahaayeen waxana uu noqon doonaa rikoodhkooda ugu fiican ee guuldaro la’aanta taariikhda kooxda.
Man United ayaa isha ku haysa in ay ka fogaato in ay Arsenal kala kulanto 3 kulan oo marti ah premier League tan ilaa bishii May 1991.
Be the first to comment