Hordhac: Arsenal Vs Leicester : Vardy Waxa Ay Arsenal U Tahay Kooxda Sedexaad Ee Uu Ka Dhaliyay Goolasha Ugu Badan PL.

Saxiixa xagaaga ee Arsenal Fabio Vieira ayaa ku soo laabtay tababarka isbuucaan, iyadoo ay weheliyaan Takehiro Tomiyasu iyo Emile Smith Rowe, iyadoo tababare Mikel Arteta uu sheegay “qaar ka mid ah” inay ciyaari doonaan Sabtida.

Kieran Tierney ayaa ka soo laabtay dhaawac jilibka ah oo uu muddo dheer ku maqnaa isaga oo badal ku soo galay kulankii Crystal Palace.

Xogta Kulanka

*Arsenal waxa ay barbareyn kartaa guusheedii ugu dheereyd ee isku xigta ee Premier League oo ay ka gaarto Leicester afar kulan oo ay ciyaareen Febraayo 1999 ilaa December 2000.

*Guusha kali ah ee Leicester 25-kii kulan ee ugu dambeeyay ee banaanka garoonkooda kaga gaareem Arsenal waxa ay ahayd 1-0 October 2020, iyadoo Jamie Vardy uu dhaliyay afar bar bar dhac iyo 20 guul darro ayay wataan .

Gunners ayaa 2-0 ku garaacday Crystal Palace habeenkii furitaanka xilli ciyaareedka cusub ee Premier League laakiin ma aysan badinin labadii kulan ee ugu horeysay iyaga oo aan wax gool ah laga dhalin tan iyo 1971-72.

*Arsenal waxaa laga badiyay kulankoodii furitaanka Premier League ee gurigooda lix ka mid ah 11 olole ee lasoo dhaafay afar waa badiyeen halka halna ay bar baro galeen

* Saxiixa cusub Arsenal ee Gabriel Jesus ayaa 5 gool ka dhaliyay Leicester todobadii kulan ee uu horyaalka ka horyimid waana waqtigii uu City joogay.

*Gabriel Martinelli ayaa isha ku haya inuu gool dhaliyo seddex kulan oo isku xigta oo Premier League ah markii ugu horeysay

*Jamie Vardy ayaa dhaliyay 11 gool oo horyaalka ah ka dib 14 kulan oo uu ka horyimid Arsenal, waxaana goolasha kaliya ka sareeya Harry Kane (13) iyo Wayne Rooney (12).