Hordhac: Arsenal Vs Everton: Gunners Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Kulamada Jimcaha

Kooxda Arsenal ayaa marti gali doonta kooxda Everton kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Emirates Stadium Todobaadkii 33-aad ee horyaalka.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guul kadib markii ay bar-baro niyad jab leh la galeen kooxda Fulham todobaadkii hore ee kulan ka tirsanaa premier League.

Dhanka kale kooxda Everton oo u tartamaysa boosaska Europa League ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay garaacaan kooxda Arsenal.

Kulanka: Arsenal Vs Everton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Arsenal ayaan laga badinin 24kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay garoonkooda kula ciyaaraan Everton tan iyo guuldaradii 2-1 ee bishii January 1996.

Gunners ayaan laga badinin dhamaan sagaalkii kulan ee ay ciyaaareen Habeen Jimce ah waana kooxda ugu badan ee ciyaartay kulamada ugu badan maalin ka mid ah todobaadka iyaga oo aan laga badin iyaga oo dhaliyay 42 gool.

Kooxda Everton ayaa isha ku haysa in ay laba kulan oo xilli ciyaareed kaliya ah premier League ka badiso Arsenal markii ugu horaysay kadib markii ay 2/1 uga badiyeen kulankii hore ee ka dhacay garoonka Goodison Park bishii December.

Xiddiga Gylfi Sigurdsson ayaa si toos ah ugu lug lahaa 5 gool 7-dii kulan ee ugu dambeeyay isaga oo dhaliyay 3 gool sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale waana in ka badan 23-kii kulan ee hore ee tartanka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*