Hordhac: Arsenal Vs Crystal Palace: Gunners Oo Aan Guul Ka Gaadhin Palace 4-tii Kulan Ee Ugu Dambaysay.

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Emirates Stadium.

Kooxda Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican kulamadii ugu dambeeyay waliba doonaya in ay sii wadaan guulaha.

Dhanka kale Crystal Palace ayaa doonayasa in ay gaadho guul kadib markii ay garaacday Sheffield United kulankoodii ugu dambeeyay ee premeir League.

Kulanka: Arsenal Vs Crystal Palace

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa raadineysa inay guuleysato kulankeedii afaraad oo Xidhiidh ah Premier League markii ugu horeysay tan iyo bishii October 2018 Waxay dhalisay sideed gool seddexdii kulan ee ugu danbeysay.

Xiddiga Bukayo Saka ayaa noqon kara da ‘yarkii ugu horeeyay ee dhaliya ama caawiye ka noqda kulankiisii ​​afaraad oo xidhiidh ah Premeir League tan ilaa bishii April 2007 markaas oo uu sidaas sameeyay Cesc Fabregas oo sidoo kale rikoodhkaas u dhigay Arsenal.

Crystal Palace ayaan laga badinin afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Arsenal hal guul iyo 3 bar-baro ayay ka heshay waana rikoorkoodii ugu dheeraa ee guuldaro la’aan ah ee ay kala kulantay Gunners.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Crystal Palace Luka Milivojevic ayaa dhaliyay shan gool lix kulan oo uu ka horyimid Arsenal, afar ka mid ahna waa rigoore xiddiga kaliya ee rikoodhe intaas ka badan ka dhaliyay Arsenal ayaa Harry Kane.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*