Hordhac: Arsenal Vs Chelsea: Xaqiiqooyinka Cajiibka Ah Ee Kulanka Ka Dhici Doona Emirates.

Kulanka ugu xiisaha badan horyaalka premier League ayaa todobaadkan dhexmari doona kooxaha reer London ee Arsenal iyo Chelsea kulan ka tirsan todobaadkii 16-aad ee horyaalka premeir League kana dhici doona garoonka Emirates Staduim.

Chelsea ayaa doonaysa in ay gaadho guul kale kadib markii ay garaacday West Ham korna u sii fuulaan salaanka kala saraynta horyaalka.

Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa doonaysa guusheedii ugu horaysay tan ilaa 1-dii bishii November xilli uu cadaadisku ku sii kordhayo tababare Mikel Arteta.

Kulanka: Arsenal Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:30

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa badisay sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay ku ciyaartay garoonkeeda maalinta Boxing Day, oo ay ku jirto guushii 2-1 ee ay ka gaareen Chelsea 2001.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqon kara ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Arsenal oo gool dhaliya seddex kulan oo xidhiidh ah kulamada Boxing Day tan iyo Thierry Henry intii u dhaxeysay 2002 iyo 2004.

Chelsea ayaa laga badiyay kaliya labo ka mid ah 17kii kulan ee ugu danbeysay ee ay wajaheen Arsenal iyadoo labada guuldaro ay soo gaareen Emirates Stadium, bishii September 2016 iyo January 2019.

Blues ayaan laga badin 3 kulan oo xidhiidh ah premier League oo ay marti ahaayeen tan ilaa bishii February 2019 iyada oo ay guuldarooyinkaas ku jirtay mid ka soo gaadhay Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*