Hooyo Ayaa I Garaaci Lahayd Hadiin Aan Dabaal Dago

Kyle Walker ayaa qirtay inuu doortay in uuna u dabaal dagin goolkiisii ​​guusha ee Manchester City kulankii Sheffield United isagoo ixtiraamaya kooxdiisii ​​carruurnimo.

Walker oo ka soo baxay Akademiyada kooxda Sheffield United ayaa gool ugu dabaal dagay kulankiisii 100-aad ee horyaalka premier League kulankii Sheffield United.

Xiddiga ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay muddo ku dhaw sanad tan ilaa markii uu gool ka dhaliyay Southampton 2 bishii November ee sanadkii hore.

Laakiin xiddiga ayaan u dabaal dagin goolka uu dhaliyay inkasta oo uuna muddo dheer wax gool ah dhalin.

Walker ayaa dhamaadka ciyaarta u sheegay BT Sport”Hooyaday iyo Aabahay ayaa wali ku nool Sheffield, hadii aan u dabaal dagi lahaa goolka Ul ayaa la ila dhici lahaa, waxa aan ahay taageere Sheffield United ah sidaas darteed ma dabaal dagin”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*