Holland Oo Waqtigii Geerida Guul Ka Gaartay Senegal Ka Dib Ciyaar Cajiib Aheyd

Holland ayaa waqtigii geerida hal gool uga badisay Senegal ka dib ciyaar si isugu dheeli tirneyd , waxa ayna ku badiyen laba gool xili kulankaan ahaa markii ugu horeeysay ee ay koobka aduunka ku kulmaan labada qaran

Sheekada qeybta hore : labada qraan Holland iyo Senagal ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah waxa ayna soo bandhigeen kubad u furneyd labada dhinac

Holland inkastoo  ku  sigteennin gool ay  ku helaan Senegal hadana wiilasha Africa waxa ay soo bandhigeen kubad daafac iyo weerar ahaan isu dheeli tiran balse xarfaan kuma aheyn fursad abuurista afka hore waxa ayna ku tiirsanaaeyen kubadaha rogaal celiska ah  xilli Van Dijk ka hor istaaga kubad gool noqon kartay

Kubadda Senegal waxa ay ka socotay garbaha kaliya waxa ay ka sheeganayeen go`aan qaadasho deg deg ah marka kubadda ay gaarsiiyaan afka hore halka Holland si ay ugu jireen foojignaan halka daafac ahaan ay xooganaayeen  qeybtaas hore.

Qeybta labaad , kubadda waa u furneyd labada dhinac daafac ahaan waa ay foojignaayeen balse isku dayada ay sameynayeen waa laga filan karay gool.

Daqiiqadii 64-aad , goolhayaha Holland ayaa kubad gool noqon lahed ka bad baadiya Senegal , waxaana Holland u muuqatay mid ay ku adag tahay in si sax ah kubadda horay ugu soo jiidaan  xilli daqiiqadii 74-aad goolhayhooda uu bad baadiyay gool xaqiiq ah .

Senegal waa fiicnaayeen balse si ka bad badis ayay banaanka ugu soo baxayeen ilaa lagu helay gool cajiib ah daqiiqadii 83-aad waxaana saxiixay C. Gakpo, waxaan goolkaas ka muuqday qalad dhanka daafaca ah iyo goolhayaha ah , waxaana wiilasha africa hor istaagay goolhayaha Holland kaasi oo daqiiqadii 86-aad kubad goosha ku socotay ka bad baadiyay .

Waqtigii dheeriga , Holand gool labaad ayay heleen waa ayna ka faa`ideysteen fursaddii la siiyay waxaana saxiixay D. Klaassen

 

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*