Heshiiskii Uu Nico Williams Ugu Biirayay Barcelona Oo Joogsaday

Wargeysyada Isbaanishka ayaa shaaca ka qaaday horumar la yaab leh oo ku yimid baacsigii ay Barcelona ugu jirtay saxiixa xiddiga Athletic Bilbao Nico Williams.

Wargeyska Catalan ee Mundo Deportivo ayaa sheegay in heshiiska Neco Williams “uu joogsaday” ka dib markii wakiilada ciyaaryahanku ay Barcelona ka dalbadeen dammaanad qoraal ah oo ku saabsan diiwaangelinta xilli ciyaareedka soo socda, codsi ay kooxdu u aragtay mid aan la aqbali karin.

Warku waxa uu intaa ku daray in Barcelona ay ciyaaryahanka kula heshiisay heshiiska iyo mushaharka, balse markii ay bilaabeen inay heshiiskan afka ah u bedelaan heshiis rasmi ah, waxa gabi ahaanba istaagay wada xaajoodkii labada dhinac.

Wargayska ayaa xusay in wakiilka Nico Williams uu ka cabsi qabo in ay ku soo laabato wixii ku dhacay ciyaartoyda ay ka midka yihiin Dani Olmo iyo Pau Victor, kuwaas oo la kulmay dhibaatooyin diwaan galinta adeegyadooda, taas oo saamayn xun ku yeelatay Williams iyo wakiiladiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga