Heshiiska Ay Real Madrid U Soo Bandhigayso Xiddiga Luka Modric Oo La Ogaaday.

Luke Modric ayaa sheegay inuu doonayo inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyo kooxda Real Madrid haatana waxa kaliya ee la sugi doono waa inta uu sii joogi doono Bernabeu.

Modric bishii hore ayuu noqday 35 jir, wuxuuna ku jiraa sanadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa Madrid, kaasoo dhacayo June 30, 2021.

Rabitaankiisa ayaa ah inuu saxiixo heshiis cusub, kooxda ayaa sidoo kale u furan arintaas marka loo eego habdhaqankiisa iyo qaab ciyaareedkiisa tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda bishii July 2012.

Si kasta ha ahaatee maadama uu Modric yahay 35, kooxda ayaa kaliya u soo bandhigi doonta heshiis hal sano ah isaga oo aan noqon doonin midkii ugu horeeyay ee wadadan mara sidoo kale ma noqon doono midkii ugu dameeyay Maadama ay tahay siyaasada kooxda in ay heshiis hal sano ah siiso xiddigaha da’da ah.

Haddii uu saxiixo heshiiska xiddiga reer Croatia Ayaa mustaqbalkiisa u hibayn doona kooxda Real Madrid isaga oo ka tagi doona kooxda isaga oo jira 36 sano waliba bilo yar u jira 37 sano.

Sii Akhriso: XASAASI: Ciidamo Ka Soo Goostay Puntland Oo Ku Biiray Ciidamada Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*