Heshiiska Ay Real Madrid Ogoshahay In Ay K Saxiixato Sergio Ramos Oo La Ogaaday.

Sergio Ramos ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigi doono fursad uu qalinka ugu duugo Heshiis cusub oo hal sano ah oo uu kusii joogayo Real Madrid.

Inkasta oo kaliya 5 bilood uga hadhsantahay da’diisii 35-aad Romas ayaa hadana wali lagu qiimeeyaa in uu yahay xiddig fure u ah Real Madrid isaga oo door weyn ka qaatay guushii ay Sabtidii ka gaadhay Barcelona.

Si kasta ha ahaatee wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Real Madrid kaliya diyaar u yihiin in ay heshiis hal sano ah ka saxiixdaan xiddiga.

Inkasta aan wali wax heshiis ah laga gaadhin hadana go’aanka Real Madrid ayaan la filayn in ay xiddiga ka hor istaagaan in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo Kooxda 12-ka bilood ee soo socda.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saarttay Cafiskii Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Fidiyay Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*