Heshiis Dhaw: Man United Oo Ku Dhaw Saxiixa Cunha

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in la filayo in ay heshiis la gaadho weeraryahanka Wolverhampton Wanderers Matheus Cunha mustaqbalka dhow.

Red Devils ayaa dooneysa inay xoojiso doorkeeda weerarka ka dib markii ay arkeen Joshua Zirkzee iyo Rasmus Hojlund oo si weyn u dhibaatooday qaab ciyaareedkii laga filayay.

Zirkzee ayaa dhaliyay todobo gool 48 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan halka Hojlund uu dhaliyay kaliya sagaal gool 46 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Iyadoo Man United ay isha ku heyso xoojinta weerarka, dhawaan ayaa la sheegay in kooxdu ay ugu cad caddahay saxiixa Cunha xagaagan.

Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Man United riixayso sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixa xiddiga wakhti dhaw.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga