Heshiis Dhacay: Paulo Dybala Oo Ku Biiraya AS Roma

Paulo Dybala ayaa si buuxda u ogolaaday inuu u dhaqaaqo AS Roma isaga oo ugu biiraya kooxda caasimada qaab xor ah sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

29-sano jirkaan ayaa aad ula dhacay wadahadalada uu la yeeshay Jose Mourinho kaas oo ku qanciyay mashruuca uu wado kooxda AS Roma.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa aqbalay heshiis seddex sano ah oo uu ku qaadanayo mushaar dhan €6m sanadkii.

Dybala ayaa hadda u safraya caasimada Italy si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda AS Roma una dhamaystiro heshiiska.

29 jirkaan ayaa xor ahaa tan iyo markii uu ka tagay Juventus dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxa uu go’aansaday inuu sii joogo Italy si uu u sii wato xirfadiisa ciyaareed.

Dybala ayaa Bianconeri u saftay 293 kulan tartamada oo dhan isaga oo u dhaliyay 115 gool 48 kalena caawiye ka noqday.