Heshiis Dhacay: Liverpool Oo Dhamaystiraysa Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska The Atheltic ayaa sheegaya in ay Liverpool wadahadalo horumar leh kula jirto kooxda RB Leipzig si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga 21 jirka ah si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Isla wargayska ayaa sheeaya in ay kooxda Liverpool bixin doonto lacagta lagu bur-burin doono heshiiskiisa ee 40-ka milyan ah si ay u hesho saxiixa xiddiga 21 jirka ah.

Xiddiga Ibrahima Konate ayaa ka ciyaara daafaca dhexe laakiin waxa uu sidoo kale ka ciyaari karaa garabka daafaca Bidix ama daafaca Midig.

Xiddiga Ibrahima Konate ayaa la sheegayaa in uu noqon doono saxiixa ugu horeeya ee kooxda Liverpool suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Konate ayaa ciyaaray 89 kulan tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda RB Leipzig sanadkii 2017 waxana uu haatan u ciyaarayaa xulka qaranka France ee ka qayb galaya tartanka Euro-da 21 jirada.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*