Heshiis Dhacay: Barcelona Oo Haatanba Dhamaystirtay Saxiixa Badalka Gerard Pique

Kooxda Barcelona ayaa qarka u saaran in ay la soo saxiixato badalka xiddiga Gerard Pique kaas oo xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda.

Barcelona ayaa go’aansatay inay la soo wareegto Inigo Martinez bisha January si ay ugu buuxiso booska Gerard Pique.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Barcelona ayaa wakhti hore heshiis la gaadhay xiddiga Inigo Martinez si ay xagaaga ula soo wareegto marka uu dhoco heshiiskiisa kooxdiisa haatan ee Athletic Bilbao.

Laakiin Go’aankii lama filaanka ahaa ee uu Gerard Pique ku shaaciyay in uu isaga tagayo kooxda ayaa keentay in ay Barcelona horay u soo dhigto u dhaqaaqista saxiixa xiddiga.

Wargayska Spprt ayaa sheegaya in ay Kooxda Barcelona si buuxda ula heshiisay xiddiga Inigo Martinez kaliyana dhimantahay in ay haatan kooxdiisa kala heshiiso saxiixa xiddiga.

Inigo Martinez oo 31 jir ah ayaa ah xiddig ku soo baxaya shaxda Barcelona maadama uu diyaar u yahay in uu badal u noqdo xiddigaha Ronald Araujo & Jules Kounde.