Heshiis Dhacay? Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Saxiix Cusub

Kooxda Arsenal ayaa sii wada wacdarihii ay ka dhigaysay suuqa xagaagan iyaga oo sameeyay saxiix cusub kadib markii ay kooxda Fulham kala soo wareegeen xiddiga da’yarka ah ee Mika Biereth.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga da’yarka ah ee Mika Biereth kaas oo ay ka mid noqday saxiixyada cusub ee ay kooxdu samaysay xagaagan.

Xiddiga Mika Biereth oo 18 jir ah ayaa aad loo qiimeeyaa kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay kooxda da’yarka ah ee kooxda Fulham xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Xiddiga Mika Biereth ayaa dhaliyay 21 gool 21 kulan oo uu ciyaaray kulamada kooxda da’yarka ah ee kooxda Fulham.

Xiddiga ayaa xiiso ka helay dhamaan kooxaha waaweyn ee premier League laakiin xiddiga reer England ayaa doortay in uu ku biiro kooxda Arsenal kadib markii uu la dhacay sida ay xiddigaha da’yarka ah fursadaha u siiyaan.

Xiddiga Mika Biereth ayaa si toos ah ugu biiri doona Akademiyada kooxda Arsenal isaga oo u soo dalici doona kooxda 1-aad marka uu la qabsado kooxda 1-aad.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6-da Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Ku Soo Jiidan Kartid Dareenka Wiilka Aad Ka Heshay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*