Heshiis Dhaca: Liverpool Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Thiago Alcantara & Faah-Faahinta Heshiiska

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcântara sid ay sheegayaan wararku.

Wargayska Express Futbol ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool dhamaystirtay saxiixa xiddiga Thiago Alcântara kaliyana haatan hadhay in lagu dhawaaqo saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Thiago Alcântara qalinka ku duugi doono heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono Anfield ilaa xagaaga 2025 isaga oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee Klopp ee xagaaga.

Xiddiga reer Spain ee Thiago Alcântara ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu ogolaaday heshiis 150 kun oo Gini todobaadkii oo uu Liverpool ka qaadan doono inta uu joogo.

Reds ayaa la sheegayaa in ay Bayern Munich kala heshiisay saxiixa xiddiga iyada oo ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 31.5 milyan euro iyo lacago guno ah oo ku xidhan qaab ciyaareedka xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*