Henderson, Aubameyang, Cavani, Ter Stegen, Thiag, Ake, Ibrahimovic, Xavi & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa lagu dhawyahay dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo la filayo in uu suuqa kala iibsiga xagaagu furmo kadib marka ay dhamaadaan dhamaan tartamada xilli ciyaareedkan.

Kooxaha reer yurub ayaa sii dajisanaya qorshohooda suuqa xagaaga iyaga oo haatan bilaabaya in ay sii qiimeeyaan xiddigaha ay doonayaan ka hor inta ayna u dhaqaaqin xagaaga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee laga hadal hayay suuqa kala iibsiga maalin walba si aad ula socotaan waxa ay qorayaan wargaysyada yurub.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ayna wax masuul ah ka ahayn wararka aan soo gudbinayno laakiin aan ka soo qaadanay wargaysyada ku hor xusan.

Chelsea ayaa diyaar u ah in ay mushahar 170 kun oo Gini ah u soo bandhigaan Goolhayaha Amaahda uga maqan Man United ee Dean Henderson si ay u helaan saxiixa Goolhayaha (Manchester Evening News).

Chelsea ayaa sidoo kale isku dayi doonta inay la soo saxiixato gool hayaha Barcelona iyo xulka Jarmalka Marc-Andre ter Stegen, oo 28 jir ah, waxaana ay diyaar u yihiin inay u soo bandhigaan goolhaye Kepa Arrizabalaga oo ka qayb noqon doona heshiiska (Mundo Deportivo).

Chelsea ayaa dalab rasmi ah ka gudbin doonta xiddiga Bayer Leverkusen ee Havertz, oo 21 jir ah, ka dib marka ay xaqiijistaan u soo bixitaanka Champions League (ESPN).

Xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice ayaa loo sheegay in uuna kooxda ka tagi doonin ilaa miiska la soo saaro dalab aan la diidi karin (Sky Sport).

Manchester City ayaa u muuqata inay ku guuleysaneyso dagaalka ay kula soo wareegeyso xiddiga garabka uga ciyaara Valencia ee Ferran Torres (Bild).

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa Manchester City kula biiray tartanka loogu jiro daafaca Bournemouth Nathan Ake (Sun).

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa kalsooni ku qaba in weeraryahanka reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang, oo 31 jir ah, uu qalinka ugu duugi doono kooxda heshiis cusub (Independent).

Kooxda Leeds United ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo Zlatan Ibrahimovic iyo Edinson Cavani ka hor inta aysan ku soo laaban Premier League (Sun).

Kooxda chelsea ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa Goolhayaha Amaahda kula jooga Real Madrid ee Alphonse Areola kaas oo ay doonayo in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa (Sun).

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid tahay afar Koox oo doonaya inay u dhaqaaqaan daafaca kooxda Atalanta Robin Gosens iyadoo Frank Lampard uu sii wado raadinta daafaca bidix (Sun).

Nathan Ake ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Man City sabab la xidhiidha in uuna kalsooni ku qabin in uu boos joogto ah ka heli doono kooxda (Sun).

Laurent Blanc ayaa noqon kara Tababaraha ku meel gaarka ah ee Barcelona halka kooxda ay ka sugeyso dookha koowaad ee Xavi, sida ay sheegayaan wararka (Mail).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara ayaa ku biiri doona kooxda Liverpool suuqa kala iibsiga xagaaga, inkasta oo ay xiiseynayaan kooxo kale oo ka ciyaara Premier League (Express).

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang Ayaa joojiyay wadahadaladii heshiis kordhinta ahaa ee uu kula jiray kooxda Arsenal si uu ugu biiro Barcelona (Mundo Deportivo).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*