Heesh Dhacay: Ku Biirista Lionel Messi Ee PSG Oo La Xaqiijiyay.

Lionel Messi ayaa dhawaan loo soo bandhigi doonaa saxaafada isaga oo ah xiddig PSG kadib markii uu heshiis la gaadhay kooxda reer France sida uu xaqiijiyay walaalka la dhashay Amiirka Dalka Qatar.

PSG ayaa si deg-deg ah ugu dhaqaaqday saxiixa xiddiga Lionel Messi kadib markii ay Barcelona xaqiijisay in uuna xiddigu heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda todobaadkan.

Xiddiga reer Argentine ayaa markii hore ogoladay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG laakiin xeerka La Liga ayaa u diiday in uu xiddigu qalinka iyo warqada is dul dhigo.

PSG ayaa si deg-deg ah ugu dhaqaaqday in ay ku guulaysato saxiixa xiddiga iyada oo wadahadalo rasmi ah la furay xiddiga si ay u helaan saxiixiisa uguna xoojiyaan kooxda.

24 saac kadib markii ay wadahalada la furtay PSG xiddiga walaalka la dhashay milkiilaha kooxda PSG ayaa Twitterka ku xaqiijiyay in ay PSG dhamaystirtay saxiixa xiddiga.

Khalid bin Hamad Bin Khalifa Al-Thani ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Wadahadaladu si Rasmi ah ayay u dhamaateed, dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*