Hector Bellerin Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal.

Hector Bellerin ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ka tago Arsenal marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaagan.

25 jirka ayaa weli seddex sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Emirates Stadium, laakiin waxa la ilsla dhexmarayaa warar ku saabsan mustaqbalkiisa todobaadyadii la soo dhaafay.

Kooxo badan oo ay ka mid yihiin Sevilla, Paris Saint-Germain, Bayern Munich iyo Juventus, ayaa la rumeysan yahay inay xiiseynayaan saxiixa xiddiga reer Spain ka hor suuqa xagaaga.

Bellerin ayaa ciyaaray 14 kulan oo premier League ah xilli ciyaareedkan sky Sport ayaana sheegaysa in uu xiddigu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in xiddigii hore ee Barcelona in uu doonayo in uu badalo kooxda ka hor bilowga xilli ciyaareedka dambe maadama uuna ku qanacsanayn kooxda Arsenal.

Bellerin ayaa dhaliyay hal gool labo kalena caawiyay 22 kulan oo uu u saftay kooxda Mikel Arteta xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*