Hector Bellerin: Arsenal Way U Soo Bixi Kartaa Champions Leageu Xilli Ciyaareedka Dambe.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayaa sheegay in ay Arsenal u soo bixi karto champions League xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay ka soo kabsadeen natiijooyin xun oo ay ku bilowdeen horyaalka kadib xanuunka Korona.

Gunners ayaa guuldaro la kulantay labadii kulan ee ugu horeeyay kadib markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka kadib xanuunka Korona.

Laakiin Gunners ayaa laba kulan oo xidhiidh ah badisay premier League iyaga oo ka kala badiyay kooxaha Norwich City iyo Wolves isaga oo haatan 8 dhibcood u jira kooxda kaalinta 4-aad ku jirta ee Chelsea.

“Anaga waxa ay ahayd u jeedkeena tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan”ayuu Bellerin yidhi markii wax laga waydiiyay fursadaha Arsenal ee boosaska champions League.

“Sida iska cad waxa laga soo laabtay xayiraad laakiin mar walba ujeedkeenu waa in aan ku dhamaysano boosaska champions League”.

“Si fiican kumaanu bilaaban horyaalka kadib markii dib loo bilaabay laakiin waxa aan u shaqaynaynaa si adag waanan ku soo laaban dooonaa tartanka boosaska champions League”.

“Waxa aan u baahanahay kaliya in aanu badino kulamada kulan walbana horumar samayno”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*