Hector Bellerin: Anaga Ayaa Iska Badinayna Kulamada

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayaa sheegay in ay Arsenal iyadu iska badinayso laakiin ayna kooxaha kale ka badinayn.

Arsenal ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Wolves kulan ka tirsan horyaalka premier League xilli laba xiddig kaadhka cas looga taagay.

Hector Bellerin oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Mar walba waxa aan sheegaa in ayna kooxaha kale naga badin laakiin anaga ayaa iska badina”.

“Anaga ayay tahay in aan wax ka barano markana noqoto markii ugu dambaysay, waxa aan ku jirnay qaab ciyaareed fiican waxana aan lahayn kalsooni wey”.

“Waxa aan kaliya u baahanahay in aanu ilowno kulankii Wolves horayna u socono kulanka xiga”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*