Hazard: Waxa aan 3-dan Arin Ka Doonayaa Ronaldo & Messi.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa ka hadlay 3 arin oo uu ka dalban lahaa xiddigaha Juventus iyo Barcelona ee Lionel Messi & Cristiano Ronaldo.

Hazard ayaa u dabaal dagay da’diisa 30 jirka 7-dii bishii January isaga oo sheeay 3-da arin ee uu ka qaadan lahaa xiddigaha Ronaldo iyo Messi.

“Lugtiisa Bidix ayaan ka dalban lahaa Lionel Messi”ayuu Hazard yidhi.

“Gaajada uu u qabo ku guulaysiga koobabka iyo rabitaankiisa gool dhalinta ayaan ka qaadan lahaa Ronaldo”ayuu Hazard sii raaciyay.

Hazard ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Real Madrid isaga oo aan 2 bilood si buuxda kulamo u wada ciyaarin.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaa Keena Hoose U Dhaca Ninka Ee Rabitaanka Kulanka Sariirta

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*