Hazard Oo Qiimeeyay Xilli Ciyaareedkiisii Ugu Horeeyay Ee Real Madrid.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa qiimeeyay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Real Madrid kadib markii uu Los Blancos kula guulaystay horyaalka La Liga.

Xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard ayaa Real Madrid kaga soo biiray Chelsea laakiin waxa uu ku dhibaatooday dhaawacyo isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda.

Hazard oo waraysi siinayay idaacada France Info ayaa yidhi”Waxa aan ku guulaystay horyaalka La Liga aniga iyo xiddigaha Real Madrid laakiin waxa aan soo qaatay xilli ciyaareedkaygii ugu xumaa xirfadayda ciyaareed”.

“Waxa aan rajaynayaa in aan dhaafno Man City oo aan iska xaadirio wareega xiga waxana aan rajaynayaa in aan xilli ciyaareedka dambe iska tirtiro xilli ciyaareedkan”.

Xiddiga Eden Hazard oo kulamo badna ku seegay dhaawac xilli ciyaareedkan ayaa kaliya dhaliyay hal gool kulamadii uu ciyaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*