Hazard Oo Boos Cusub Real Kaga Ciyaaraya Xilli Ciyaareedka Bilaabanaya

Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa lagu soo waramayaa inuu qorsheynayo inuu Eden Hazard u isticmaalo lambarka sagaalaad ee beenta ah xilli ciyaareedka soo socda.

31-sano jirkaan ayay mar ku adkeyd inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa ugu wanaagsan Los Blancos inta lagu guda jiro xilli ciyaareedka 2021-22, isagoo kaliya hal gool dhaliyay iyo labo caawin 23 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Wadar ahaan, xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa dhaliyay lix gool, waxaana loo diiwaan geliyay 10 caawin 66 kulan oo uu u saftay Real Madrid, isagoo inta badan ku dhibtooday Bernabeu tan iyo markii uu lacag badan kaga soo biiray Chelsea bishii Luulyo 2019.

Sida laga soo xigtay AS, Ancelotti ayaa qorsheynaya inuu u diro Hazard  lambarka sagaalaad ee beenta ah xilli ciyaareedka soo socda .