Haryy Kane Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Man City.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry kane ayaa sheegay in uuna wax xidhiidh ah la lahayn maamulka kooxdiisa intii uu joogay waajibaadka xulka qarankiisa Engaldn.

Mustaqbalka Harry kane ayuu shaki weyn ku jiraa iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Man City xilli ay jiraan warar sheegaya in uu warqada bixitaanka u gudbiyay kooxdiisa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Harry Kane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Runta ayaa ah marka aan yimaado xulka England kaliya waxa aan diirada saaraa xulka”.

“Walaalkay ayaa ah wakiilkayga laakiin markii aan wadahadalnay waxa ay ahayd todobaadyo ka hor markaas oo uu nasiib wacan sii rajeeyay”.

“Wararka xanta ah ee ku saabsan mustaqbalkayga wax dhib ah iguma hayso kaliya waxa aan diirada saarayaa in aan caawiyo xulka England”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*