Harry Redknapp Oo Saadaaliyay Halka Ay Man United Kaga Dhamaysan Doonto Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham Harry Redknapp ayaa saadaaliyay in ay Man United ku dhamaysan karto kaalinta 4-aad ama kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Red Devils ayaa haatan ku jirta kaalinta 5-aad iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxda chelsea kuwaas oo guuldaro kala kulmay West Ham kulankii ugu dambeeyay.

Harry Redknapp oo la hadlaya MUTV ayaa yidhi”Waxa aan hubaa in ay chelsea ku dhamaysan doonto 4-ta boos ee ugu sareeya horaalka”.

“Waxa ay ku jiraan qaab ciyaareed fiican mana arko in ay seegaan 4-ta boos ee ugu sareeya xitaa waxa ay ku dhamaysan karaan kaalinta 3-aad”.

Kooxda Man United ayay u hadheen 6 kooxood oo aan waaweyn kulamada xilli ciyaareedkan ee premier League taas oo u sii fudadaynaysa shaqadaas.

1 Comment

  1. Hada ma Chelsea baa laga hadlayaa mise man united markaan arkhriyey fariinta iyo ciwaan ku isma laha dib ugu noqo fadlan thanks

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*