Harry Maguire Oo Kashifay Waxa Ay Man United U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaystaan Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga daafaca uga ciyaara ahna kabtanka Red Devils ee Harry Maguire ayaa amaanay horumarka ay sameeyeen kooxda Man United laakiin sidoo kale sheegay in ay kooxdu sii wado horumarka.

Man United ayaa kaalinta 2-aad kaga jirta premier League iyaga oo aan wax guuldaro ah la kulmin 16-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Maguire oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aad arki kartaa horumarka aan samaynay kulamadii ugu dambeeyay, ka koox ahaan waxa aan ku jirnaa qaab ciyaareed sare waxana jira waxyaabo aan maalin walba horumar ka samayno”.

“Waxa aan doonaynay in aanu Liverpool garaacno laakiin waxa aan ugu dambayn sii wadanay rikoodhkeena guuldaro la’aanta”.

“Hadii aan doonayno in aan ku guulaysano horyaalka waa in aan muujino geesnimo kulmada waaweyn ah xilli ciyaareedkan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*