Harry Maguire Oo Ka Warbixiyay Dhaawacii Soo Gaadhay.

Kabtanka Manchester United Harry Maguire ayaa siiyay taageerayaasha warbixin ku saabsan sida uu uga soo kabsanayo dhaawacii kubka ahaa ee u diiday kulamadii bishii September.

Kabtanka Man United ayuu dhaawac soo gaadhay intii lagu jiray kulankii ay Man United guuldarada 1/0 ah kala kulantay Aston Villa isaga oo kaliya 60 daqiiqo ciyaaray.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa ka maqnaa kulamadii ay kooxdiisu la ciyaartay kooxaha Everton iyo Villarreal iyada oo Man United dhibco ku lumisay kulankii Everton.

Dhaawaas dartees Maguire ayaa seegay kulamadii xulka qarankiisa England ee is reeb-reebka koobka adduunka Qatar 2022.

Maguire oo ka hadlaya dhaawaciisa ayaa yidhi”Waan dhawahay”.

“Wali kooxda tababar lama qaadan laakiin waan soo ficinaanayaa, waxa aan samaynayaa horumar”.

“Waxa iska cad in uu yahay dhaawac niyad jab leh laakiin waxa aan samaynayaa horumar wakhti dhawna waan soo laabanayaa”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*