Harry Kane Oo Tottenham U Sheegay Wakhtiga Uu Doonayo In Uu Ku Biiro Man City

Xiddiga Harry Kane ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxdiisa u sheegay in uu doonayo ku biirista kooxda Man City todobaadka soo socda sida ay sheegayaan wararku.

City ayaa la sheegayaa in ay doonayso xiddiga Harry kane si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaaredka dambe si ay ugu guulaystaan champions league.

Sida laga soo xigtay wargayska The Telegraph, Kabtanka England ayaa Maamulka Kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Man City todobaadka soo socda.

Tottenham ayaa dhankeeda ku rajo weyn in ay xiddiga 28 jirka ah ku qiimayso in uu sii joogo kooxda xilli ciyaareedka dambe iskana diido ku biirista kooxda Man City.

Harry Kane ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Tottenham si uu koobab ugu guulaysto kadib markii uu ku fashilmay in uu sidaas ku sameeyo kooxda Tottenham.

Sii Akhriso: Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya Gacalisadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*